Daawo Somaliland oo caruur dhaqancelis ah oo Denmark laga keenay ku wareejisay Boliiska Denmark iyadoo aanay waalidiintoodu ogeyn

0

Maamulka Somaliland ayaa gabdho dhaqan-celis ahaan looga keenay Denmark oo diinta Islaamka iyo dhaqanka lagu barayey Hargeysa ku wareejisay saraakiil ka socday boliiska Denmark. Mid ka mid ah gabdhaha lasoo dhaqanceliyey oo ka baxsatay xarun diimeedka wax lagu barayey ayaa la sheegay in ay wadanka Denmark u gudbisay warbixin dhan ka ah xuquuqda aadamaha oo goobta lagaga dhaqmo, taas oo keentay in Denmark ay xidhiidh kala soo samayso maamulka Somaliland. Waalidiinta dhashay gabdhahan ayaa maamulka Somaliland ku eedeeyey in ay caruurtoodii oo ay hore gaaladda ugala soo carareen dib ugu celiyeen iyagoo aan ka warhayn. Talaabadan maamulka Somaliland qaaday ayaa guud ahaan Soomaaliya aad looga cambaareeyey, laguna tilmaamay fal diinta Islaamka iyo dhaqankaba lid ku ah. Maamulka Somaliland oo ku dhowaad 27 sanno aqoonsi raadinayey ayaa u nugul arin kasta oo dhinaca gaaladda kaga yimaada, waxayna ku tilmaamaan in ay aqoonsi kaga raadsanayaan. Daawo Video https://youtu.be/W8f-b94klx8]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here