Daawo Wiilkii Miinada ku xiray gaariga Wasiirka Arimaha Bulshada Jubbaland

0

Hay’adda Sirdoonka ee Maamulka Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ku soo bandhigay ninkii ka dambeeyay miinadii lagu xiray gaari uu lahaa Wasiirka Arimaha Bulshada ee Maamulka Jubbaland Macalin Maxamed oo 17-kii Bishan gaarigiisa dhejiyey. Ninka Qaraxa ku xiray Gaariga oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Khadar, ayaa waxaa adeer u ah Wasiirka Arimaha Bulshada Maamulka Jubbaland Macalin Maxamed, wuxuuna ka tirsanaa oo wada shaqeyn hoose uu la lahaa Kooxda Shabaab. Cabdi Khadar oo ka sheekeeyay qaabka gaariga uu qaraxan uu ugu xiray, ayaa sheegay in Miinada loo keenay Afar Saac Subaxnimo, islamarkaana uu ku xiray gaariga Sideed Saac Galabnimo. Cabdi Khadar, ayaa sheegay in Shabaabka ay u balan qaadeen lacag badan inay siinayaan, hadii uu ku guuleysto in Qaraxa uu si wanaagsan ugu xiro gaariga Wasiirka. Waxa uu sheegay nin ka tirsan ciidamada Booliska Jubbaland oo isagana wada shaqeyn la leh Ururka Al Shabaab uu u yimid uuna weydiiyay in gaariga uu ku xiray Qaraxa, kadibna uu u sheegay inuu ku xiray Qaraxa, waxaana Cabdi Khadar loogu tuuray Moobilkiisa lacag dhan $50 Doolar. Daawo muuqaalka video-ga ah ee Cabdi Khadar laga soo duubay, wuxuuna faah-faahin ka bixiyay sidii ay howsha u fuliyeen. https://youtu.be/JiE4VSMghV4]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here