Daawo Xaruntii heshiiska Somaliland iyo Maxamuud Garaad oo Somaliland iyo Kulmiye looga quus gooyey

0

Waxaanu rabney maadaama aanu heshiiskaa [Awrboogays] galnay wiixii abaaraha iyo wixii hayáduhu keenaanba inanu helno”- Odayaal u hadlay degaanka Awrboogays. Waxaa booqday Weriye Cabdiraxmaan Maxamed Ilsan. Waxaa hadalkan magaaladda Awrboogays oo ah xaruntii heshiiska Somaliland iyo beesha Maxamuud Garaad ka shegay waxgaradka degaankaas. Maamulka Somaliland iyo Xisbiga Kulmiye ee talada haya ayay kooxyar oo Magaca Maxamuud Garaad Hargeysa kaga faashleysaa been uga sheegeen Degaamadaas oo ay ku tilmaameen in Xisbiga Kulmiye laga taageersan yahay. Taas oo waxgaradkani uga quus gooyeen. Dhamaanba degaamadda Beesha Maxamuud Garaad degto oo Xisbiga Kulmiye isku halaynayo ayuu faromadhnaan kala tegi doonaa wakhtiga Doorashada. Ma jiro nacayb gaar ah oo dadka degaamaddaasi u hayaan Xisbiga Kulmiye balse waxay Dadku naceen Hogaaminta dadka siyaasadda ku metela ee beeshaas kasoo jeeda. Hadalkan Odayaashu wuxuu kusoo beegmayaa xilli ayaamahan warbaahintu aad uga faaloonaysay meesha ay ku dambeeyeen Siyaasiyiintii Xisbiga Kulmiye Guusha gaadhsiiyey oo ay ka mid yihiin:- Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Axmed Cabdi Xaabsade, Baashe Cali Jaamac, Cali Sandule, iyo Xaaji Jeeniyare oo dhamaantoodba wakhtigan kasoo horjeeda Xisbiga Kulmiye. DAAWO ODAYAASHA AWRBOOGAYS https://youtu.be/OQP5DA7_oYI]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here