DAAWO:-XILDHIBAAN KU BAAQAY INAAN LA FARA-GALIN DASTUURKA PUNTLAND

0

Gudoomiye kuxigeenka guddiga arrimaha bulshada baarlamanka Puntland Xildhibaan Maxamed Axmed Jaceyl oo maanta wareysi siiyay Warbaahinta Madaxa Banaan ayaa ka hadlay dooda maalmihii lasoo dhaafey ka taagan in la furo kordhinta tirada kuraasta baarlamanka Puntland oo ka kooban 66 mudane.

Xildhibaan Maxamed Axmed Jaceyl ayaa ku tilmaamay qaabka hadda wax u socdaan mid keenaya fowdo iyo qalalaase siyaasadeed Islamarkaana ay ka horeyso faragalin lagu sameeyo dastuurka in heshiis laga dhex sameeyo Issimada Puntland oo uu sheegay khilaaf ka dhex jira qaarkood.

Xildhibaanka ayaa uga digay Madaxda Puntland inay faragaliyaan arrimo keenaya khilaaf hor leh, wuxuuna carabka ku dhuftay in tirada baarlamanka lagu kordhin karo labo siyaabood oo mid tahay in afti dadweyne lagu kordhin karo  tirada kuraasta Xildhibaanada, wuxuuna sheegay in gollaha wakiilada looga baahan yahay inay ilaaliyaan shuruucda dalka u degan.

Gabagaabadi Wax ka badalista Dastuurka Puntland ayaa waxaa qodobo ka tirsan Ana dib u eegney waxay sheegayaan sidatan:  QODOBKA 98AAD WAX-KA-BEDDELIDA DASTUURKA 1. Wax-ka-beddelka Dastuurka waxaa ka go’aan qaadanaya Golaha Wakiillada. Marka ay soo jeediyaan 1/5 (shan meelood oo meel) xubnaha Golaha ama Xukuumadu, ama 5000 qof oo codbixiyayaal ah.

Marka hore, codbixintu waa (3/4) ee xunbnaha Golaha Wakiillda, marka labaadna waa sidoo kale. Labo kalfadhi oo isku xiga ugu yaraanna bili u dhexayso ayaa Dastuurka wax looga bedeli karaa. Qaybta 2aad XEER-DEJINTA Xubinta 1aad Golaha Wakiillada Qodobka 60aad GOLAHA WAKIILLADA Awoodda Xeer-Dejinta ee Puntland waxaa leh Golaha Wakiilladda oo matala shacabka Puntland oo dhan. Inta laga helayo tiro koob sugan, Golaha Wakiilladu waxaa uu ka koobnaanayaa 66 xilldhibaan oo dadweynuhu ku soo doorto codbixin guud oo toos ah. Muddada Golaha Wakiilladu waa shan (5) sano laga bilaabo maalinta natiijada doorashada lagu dhawaaqo. Xildhibaannada Golaha Wakiillada dib ayaa loo soo dooran karaa. Golaha Wakiilladu waxa uu si rasmi ah hawshiisa u bilaabayaa soddon (30) maalmood gudahood, laga bilaabo maalinta natiijada doorashadu lagu dhawaaqo. Qodobkaan ayaa waxaa uu ka horimaanayaa qoraalka Madaxweynaha Puntland sida tooska ah ugu qorey gudoonka aqalka kaasoo kaga codsanayo in tirada xildhibaanada la kordhiyo. https://youtu.be/BSXAkGyMBMc     Goojacade.com Garowe-Puntland Soomaaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here