Daawo Xildhibaan Nuux Dheere oo Ah Ninki Dabada ka Riixayey Kordhinta Barlamaanka Puntland oo Qeylo Afka Furtay

0

Maxamed Faarax Nuux ( Nuux Dheere) oo kamid ah Xildhibaanada kasoo gala gobolka Nugaal islamarkaana ka tirsan beesha Leelkase oo dhowaan kamid ahaa wafdi Madaxweynaha Puntland u raacey magalaada Muqdishu ayaa howshaan ololaheeda ka bilaabey magaalo madaxda Somalia isagoo diyaariyey kulan u dhexeeya Xildhibaanada beeshaan iyo Mudane Gaas kasoo lagaga hadlay qorshaha lagu kordhinayo tirada kuraasta Barlamanka Puntland.

Nuux Dheere oo ka tirsan guddiga dhaqaalaha Barlamanka Puntland ayaa sanadihii ugu dambeeyey aad ugu dhowaa madaxtooyada Puntland isagoo qayb ka ah tiro xildhibaano ah oo xukuumada ka difaaca aqalka wakiilada Puntland.

Warsidaha Goojacade.com  ayaa fahansan in Nuux Dheere marka la eego qaabka qaybsiga beelaha daga gobolka Nugaal aan dib loogu soo dooran doonin xubinimadaan taasoo dadaalki waqtiga Qorshahaas soo baxay uu ku  damacsana  in mar kale noqdo sanadka 2019 mudane ka tirsan aqalka wakiilada  Puntland taasoo ka imaan doonta tirada mudanayasha la codsadey in loo  kordhiyo beelaha qaar. Xildhibaankaan ayaa ka tirsanaa Barlamanka Puntland muddo 10 sano ah Isaga oo Ka Mid ah Mudanayaasha Ragaadiyey  Golaha Wakiilada ee ku Caanbaxay Musuuqa iyo Laalushka.

Xogtaan ayaa sheegeysa in  uu Faashilmay Qorshihi Uu  Nuux Dheere  ku mashquulsana ee aheyd sidii lacag lagu laaluusho xildhibaanada Puntland loogu ururin lahaa beesha uu ka dhashey marka la gaaro kalfadhiga taasoo uu damacsan yahay Inuu ku bixiyo meel marinta codsigiisan Taaso ay Ka Biyo Diideen Mudanayaal Barlamaan oo ka Badan 50.

Daawo Qudbadi uu ka Jeediyey  Shirka Dhacay 5ti  Bisha May :-

[playlist type="video" ids="9961"]   Goojacade.com Garowe-Puntland Email:-Goojacadewebsite@gmail.com

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here