Dabka Qabsaday California oo guryahooda ka qaxiyey 200+kun Maraykan ah – SAWIRO

0

Dabka todobadii maalmood ee lasoo dhaafay ka shidnaa koonfurta gobalka California ee dalka Maraykanka ayaa kusii fidey deegaano cusub. In ka badan 200 kun oo qof ayaa guryahooda isaga qaxay, xili laga cabsi qabo in dabkan uu gaaro magaalooyin horleh sida magaalada Santa Barbara oo Axadii shalay dadka ay bilaabeen inay isaga qaxaan. Dabkan ayaa waxaa sii caawiyey dabeylo xoogleh oo deegaankaasi ka dhacaya, iyadoo aan horey looga baran dabka noocaan ah in xiligan oo kale uu deegaankaasi ka kaco. Xaafada Bel Air ee magaalada Los Angeles ayaa kamid ah goobaha uu dabkan gaaray. Maanta oo Isniin ah ayaa laga cabsi qabaa in dabkan uu kusii fido deegaano horleh maadaama la filayo inay soo xoogeystaan dabeylaha ka dhaca dhulkaasi buuraleyda ah xili deegaankaasi uu in muddo ah ka da’in wax roob ah. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here