Dablay hubaysan oo xalay weerartay Guriga Badhasaabka Awdal iyo khasaare ka dhashay

0

Dablay hubaysan oo la sheegay inay daacad u yihiin Suldaanka ka falaagoobay Somaliland Suldaan Wabar ayaa xalay niskii danbe abaara 3:30am daqiiqo weerar ku soo qaadey Guriga Badhasaabka Awdal Ramaax Cali Saleebaan. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in weerarkaasi uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, ka dib markii ilaalada Badhasaabka Awdal Ramaax iyo Dablayda soo weerartay ay rasaas xoog leg isweydaarsadeen, iyadoo la tibaaxay in halkaasna ay ku dhinteen laba ka mid ah ilaaladii Badhasaabka Halka laba kalena dhaawacmeen. Waxaa la sheegayaa in dableydii markii ay weerarka geysteen ka talaabeen Xuduudka. Tabashada Reer Boorama ayaa dad badani u arkaan inay tahay mid aah meesha qaban, marka loo eego intii Somaliland jirtay iyo sadka ay ka heleen. Waxaa loo tirinayaa inay 25 Somaliland ka ahaayeen kursiga kowaad ama labaad.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here