Xaalad abaareed ayaa mudooyinkanba ka taagnayd deegaanada galbeedka Somaliland, taasi oo si aad ah u saameysay dadka iyo xoolaha. Magaalada Baki oo ka tirsan gobolka Awdal, ayaa waxaa iska horimaad uu ku dhex maray boqolaal daanyeer oo soo weeraray beeraha degmadaasi iyo dadka deegaanka oo iyaguna ka difaacayay daanyeerkaasi inuu ka waxyeeleeyo beerahooda. Ku xigeenka duqa magaalada Baki, Dayib Xasan Raage, oo la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay in iska horimaadkan uu dhaawac ka soo gaadhay qaar ka mid ah dadka, islamarkaana lagu laayay daanyeer tiro badan. Dagaalka Daanyeerka iyo dadka ayaa socday toddoba maalmood sida uu sheegay Dayib Xasan Raage.]]>
QORAALADII U DAMBEEYEY
Akhriso Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr
Raiisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta magaalada Jigjiga ku geeriyooday.