Dagaal aan waxba laysula hadhin oo ka qarxay jiida Gobolada Sool iyo Nugaal

0

Dagaal qadhaadh oo aan waxba laysula hadhin ayaa saaka hiirtii hore ka bilowday xuduudka gobolka Sool iyo Nugaal. Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ilaa shalay uu diyaargarow balaadhani ka socday labada dhinac. Xabada ayaa hada ka socoto deegaanka Maygaaglayaal oo ah duleedka Burtinle. Dhanka Ciidamada Puntland ayaa waxaa wata Taliyaha Madaxtooyada, waxayna isticmaalayaan hubka waaweyn. Todobaadkii hore ayey ahayd markii ciidamo isugu jira kuwa maamulka PL iyo maleeshiyo beleed ay weerareen Qoriley oo laga hurday, kuna beegnayd maalintii yawmul Caraffo. Wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya in dagaalku yahay mid ka duwan kuwii hore maadama dhanka maamulka Puntland ay adeegsanayaan hubka waa weyn.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here