Dagaal Beeleed u dhaxeeya Dhulbahante iyo Habaryonis oo ka dhacay gudaha Ethiopia

0

Dagaal xoogan u dhexeeya labo beelood oo ka soo kala jeeda Dhulbahante iyo Habaryoonis ayaa ka dhacay meel lagu magacaabo BALIYO-XASAN oo ku taala gudaha Dhulka Soomaalida ee Ethiopia, kana tirsan Danood. Dagaalka oo mudo socday ayaa la sheegayaa inuu dhaliyey Khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac soo kala gaadhay labada dhinac, waxaana sidoo kale Socda gurmado ciidan oo ay samaynayaan. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ay jirto dhimasho tobanaan gaaraysa oo labada dhinacba soo kala gaadhay. Sidoo kale dhaawaca ayaa la sheegayaa in uu aad u farabadan yahay. Weli si fiican uma cada khasaaraha dhabta ah isgaarsiinta oo yar awgeed.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here