Dagaal culus oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

0

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa saaka ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Galmudug ee ka taliya magaaladaasi. Khilaafka sababay dagaalka ayaa salka ku haya waddo ku taalla xaafadda Garsoor oo dowladda Puntland dhisaysay, waxaana arrintani timi xilli la banaynayay meel u dhaw Kantrolka Koonfureed ee Galkacyo. Waxaana la sheegayaa in ciidamo hubaysan oo ka soo jeeda dhinaca Galmudug ay socda weerar ku soo qaadeen, iyadoo lays waydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Khasaaraha ka dhashay ayaa lagu sheegay 18 ruux, Afar ka mid ah tahay askarta Puntland, halka 14 kale yihiin dad shacab ah. Waxaa laga yaabaa in khasaaruhu intaas ka sii bato. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here