Dagaal dhexmaray ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-shabaab

0

Wararka inaga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan deegaanada Dhoobley iyo Taabto ayaa sheegaya in maanta dagaal uu ku dhexmaray ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM iyo ururka Al-shabaab. Dagaalka ayaa la sheegay in uu ku bilowday kadib markii ururka Al-shabaab ay wadada ugaleen kolonyo ciidamo Kenya ah. Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in dagaalka uu socday muddo saacado ah. Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan dhexmaray ciidamada Kenya iyo ururka Al-shabaab. Ilo madax banaan ayaa sheegay in dagaalka uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Labada dhinac ee dagaalamay. Dhanka kale Afhayeenka milatariga Kenya, korneel David Oboyo, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in aysan jirin wararka sheegaya in ciidamada Kenya lagu weeraray Dhoobley.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here