Dagaal hubka culus iyo rasaas laysu adeegsaday oo Laascaanood

0

Sida ay sheegayaan dad ku sugan magaalada Laascaanood waxaa magaalada laga maqlayaa sanqadha qoryaha waaweyn ee baabuurta saaran oo lays dhaafsanayo. Wararku waxay xaqiijinayaan inuu hal qof dhintay kaas oo la sheegayo inuu Ciidamada booliiska ka tirsanaa, kana soo jeeday beesha Jaamac Siyaad. Ninka dhintay ayaa la sheegayaa inay dileen ciidamadu, waxaana ka abuurmay buuq iyo rasaas. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ciidamadii dilka geystay ay xeryahoodii ku noqdeen xabadiina qabowday. Goobjooge ayaa sheegaya inuu arkayo qaac uu u malaynayo inuu ka kacayo saldhigii booliiska. Lama hayo warar faahfaahsan oo arintan ku saabsan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here