Dagaal ka qarxay Gaalkacyo iyo hubka culus oo laysku adeegsanayo

0

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helnay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in dagaal xoog leh oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Galmudug uu ka socdo Magaalada. Dagaalka waxaa laysku adeegsaday hubka culus waxaana la sheegay in ay Madaafiic kusoo dhaceen Xaafadaha waqooyiga Gaalkacyo. Madaafiicdaas, oo intooda badan la xaqiijiyey inay ku dhacdeen goobo ganacsi, ilaa hada lama hayo khasaaraha ka dhashay. Dagaalka u dhexeeya Ciidanka Puntland iyo Galmudug ayaa aad u xoogeystay, waxaana duleedka magaalada laga maqlayaa hugunka hubka culus iyo dhawaqa rasaasta qoryaha daran-dooriga u dhaca. Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xili ay shalay labada Madaxweyne ee Maamuladu saxiixeen heshiis nabadgelyo oo ka koobnaa 4 qodob. Xigasho: xaysimo.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here