Dagaal qadhaadh oo ka socda degaanka Gambadhe ee Gobolka Sool

0

Waxaa hadda degaanka Gambadhe ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa Jabhada wadaniga ee midnimada Somalia. Saacadu markii ay ahady 12:45 saacada Africada bari ayaa dagaalyahamiinta Jabhada Wadanigu waxay weerar kedis ah ku qaadeen Ciidamada Somaliland ee ku sugan aaga Gambadhe ee Degmada Laascaanood. Warar hor dhac oo aanu ka helnay dadka degaan ayaa sheegaya in Ciidamada somaliland ay soo gaartay khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac, iyadoo aanan haynin faahfaahin rasmi ah oo ku saamsan xaqiiqada khasaaraha ka dhashay dagaalka. Jabhada Wadaniga ee Midnida Somalia ayaa ah mid ka madaxbanaan Maamulka Khaatumo, waxayna ku dhawaaqeen inay dagaal hubaysan la gelayaan Ciidamada Somaliland ee ku sugan Goboladda SSC ilaa inta ay ka saarayaan. Jabhada ayaa labo todobaad ka hor waxay weerareen Ciidamada Somaliland ee ku sugan aaga Degmada Xuddun, iyagoo waraysi ay shabekada goojacade.com siiyeen ku sheegay inay dagaalka sii wadayaan. Wixii Fahfaahin ah ee arintaa ku saabsan la soco goojacade.com ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here