Dagaalka Qorilay waa fursadii lagu soo afjari lahaa sheegashada Gobolada SSC ee Puntland

0

Qofkasta oo reer SSC ah wuxuu ogyahay in Maamulkii Puntland ee lawada sameystay inuu isu bedelay guri reer, waxaa kale oo kasii daran in reerahaasi ay weli sheegtaan inay Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay iga ka tirsn yihiin. Sheegashadaas beenta ahi waxay degaamada SSC ku calaamadisay in Caalamku u aqoonsado degaanka lagu muransan yahay oo ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland. Waxaan kale oo aan daah saarnayn in cadowga siyaasadeed iyo jiraan ee shacabka SSC uu noqday Puntland oo gole kasta oo Somali isugu timaado la taagaan haddii la aqoonsado Soomaali iyo Dawlada Federalka waan ka baxaynaa. Waxaa xaqiiq ah oo aan rajo laga qabin in dhibaato kasta oo dadka iyo degaamada SSC la soo derista aan hiil iyo hoo toona laga sugayn ama looga fadhiyin Puntland. Hadaba Dagaalka Qorilay waa fursadii lagu soo afjari lahaa sheegashada beenta ah ee Puntland ay ku sheegato Gobolada SSC, waa fursadii Reer SSC sharaftoodii kula soo noqon lahaayeen. Waxaana shacabka SSC looga baahan yahay in colaada Qorilay aan loo xalin sidii labo reer oo Puntland ka wada tirsan oo la heshiisiinayo, waana in aan la aqbalin dhexdhexaadin kasta oo Puntland doonayso inay sidii Maamul iskaga dhigto. puntland-dhabWaxaa loo baahan yahay inay shacabka Puntland ku hadhay ay goaan ka gaadhaan in shacabka SSC ay ahaadaan dad walaalo Soomaaliyeed ah oo aan wax maamul iyo sheegasho toona ka dhexayn dib dambena aanay u sheegan degaanadooda, xuduudka u dhexeeyaana uu yahay kii Engiriiska ama ay sii wadaan xumaanta ay hada ku jiraan. Haddii xasuuqa maanta Qorilay ka dhacay loo dhexgalo sidii labo reer oo maamulka Puntland ah ka wada tirsan oo isku dhacay waa fursad ka luntay shacabka SSC iyo Reer Qorilayba, waana dhibaato maalin walba soo noqnoqonaysa, dadka degaanka Qorilayna waxay dantoodu ku jirtaa inay u cadaato xuduud ay ilaashadaan, waana inay ka faaiidaystaan dadkoodii la laayey.

The 3 Week Diet Click Here!

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here