Dal ku gallo laga xadey safaarad ay iswiidhen ku leedahay dibadda

0

Dal ku gallo (fiiso) 200 gaaraya ayaa laga xaday safaarad uu dalka Sweden ku leeyahay dibadda, sida ay sheegtay laanta wararka ee idaacadda la iska daawado SVT.
Dal ku galka noocaasi ah ayuu qiimahiisu gaarsii-san yahay 20 000 oo doolar midkiiba oo u dhiganta 170 000 kronor suuqa madow. –Midda halista ah waxay tahay iney faraha kula jiraan oo loo isticmaalo kooxaha dembiyada qorsheey-san ku middoobey, sida uu sheegay Gunnar Fröberg, oo ka howl-gala wakaaladda socdaalka oo la hadlayay idaacadda SVT. Wixii ka dambeeyey 2016 ayaa la la’yahay 200 oo dal ku gal. Iyada oo bishii noveembar sannadkii 2016 ay ciidanka xuduudda turkigu shakhsi ku qabteen xuduudda dalkaasi. Qofkaasina oo watay dokumenti aan sharci ahayn oo uu saarnaa dal ku gal laga bixiyay safaarad iswiidhish ah. Horay ayaa baaris loogu sameeyey safaaradda ay xatooyadu ka dhacday la xiriirta khaladaad ka dhacay dal ku gallada. Dal ku gallo 70-meeyo gaaraya ayaa si khaldan lagu siiyey muwaadiniin u dhashay dalka Afgaanistaan, iyada oo uu hal shaqaale ku waayay shaqadiisii. Xatooyada dal ku gallada ayay baaris ku sameeysay wakaaladda socdaalku, hase yeeshee lagu xiri waayay qof safaaradda ka howl-gala. Wasaaradda arrimmaha dibadda Sweden ayaa dacwad arrinkan ka dhan ah uga gudbisay ciidanka ammaanka, sida ay sheegtay idaacadda la iska daawado ee SVT. Goojacade.com Nairobi-Kenya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here