Dalka Uganda oo laga mamnuucay in sigaar lagu cabo goobaha dadweynaha

0

Dalka Uganda, waxaa maanta ka dhaqan galay qaanuun cusub oo adag oo mamnuucaya in sigaar lagu cabbo goobaha dadka ka dhexeeya. Cidii lagu qabto iyadoo sigaar ku cabbaysa makhaayadaha, huteelada iyo baararka, waxay mudan doontaa ganaax lixdan($60)ah, ama laba bilood oo xarig ah. Cidii sigaar cabbeysaa waa in ay goobaha dadka ka dhexeeya kala fogaato ilaa 50 meter. Waxaa kale oo qaanuunkan cusub uu mamnuucaya iibka sigaarka electronigga ama tubaakada baakadeysan oo indhawale caan ka noqotay golayaasha lagu caweeyo ee caasimadda kampala.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here