Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Inay Cafis U Fidinayso Cali Dheere Oo Ka Tirsan Al-shabaab

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa shaaca ka qaaday in cafis uu yahay Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), oo ka tirsan Saraakiisha sar sare Ururka Al Shabaab, haddii uu isa soo dhiibo. Wasiirka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay dadka ka tirsan Ururka Al Shabaab ee dembiyada gaystay, in Dowladda Somaliya ay cafis u fidinayso“Dadka nabadiidka ah iyaga oo Dowladda dhibaya, qarxinaya oo laynaya ayay tiri cafis baad tihiin, Cali Dheere haddii uu maanta yimaado waa cafis, Soomaali kasta intaas ayaanu dilnay soo ma dhaho? Intaas ayaan qarxinay oo eber ka dhignay soo ma dhaho? Maanta haddii uu yimaado waa cafis, waayo waa Soomaali la khalday , inaan dhaqan celinno, meel gayno uu arko in dadka ay Muslim yihiin, in cibaadadooda ay ka badan tahay tiisa inuu arko, baan diyaar u nahay.” Ayuu yiri Wasiirka. Wasiirka waxaa uu shacbiga Somaliyeed uu ugu baaqay inay is garab taaggaan Dowladda, loona caqli celiyo kuwa ka tirsan ee Ururka Al Shabaab, gacanna la siiyo Ciidanka Dowladda. Waa markii ugu horeysay oo Dowladda Somaliya sheegto in la cafin doono Cali Dheere, oo markasta Warbaahinta ka soo muuqda, kolka ay Shabaabku gaystaan weerarada uu dhiigga badani ku daato.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here