Dawladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka hortimid heshiiska Saldhiga Berbera ee Somaliland UAE la gashay

0

MUQDISHO- Dowladda Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay Heshiiskii Somaliland ay la gashay dowladda Imaaraadka Carabta kasoo u ogolaanaya in ay Saldhig ciidan ay ka furato Magaalo Xeebeedka Berbera. Hanti dhowraha Qaranka Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in dowladda Imaaraadka Carabta ay la gasho Heshiis Somaliland oo ah maamul . Waxaa uu sheegay in Heshiiskaan uu yahay mid Qalad ah ,islamarkaan si qaldan wax loogu sheegay xildhibaanada Somaliland. Dhawaan ayaa xildhibaanada maamulka Somaliland si jujuub ah ay ku meelmariyeen Heshiis dowladda Imaaraadka Carabta u ogolaanaya in ay Saldhig ciidan ay ka furato Magaalada Berbera. Waxaana arintaasi si weyn uga soo horjeestay Siyaasiyiinta ugu Caansan Somaliland. hore ayaa Maamulka Somaliland heshiis kale oo sharcidaro ah dekeda Berbera ugu wareejiyey shirkada Dubaiworld ee Imaaraadka iyadoo Dawladda Somaliya ee Raysalwasaare Cumar C/rashiid madaxda ka ahaa ay wax ka ogeyd. waa markii labaad ii Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya ka hadlo heshiisyadaas sharcidarada ah mana jirin shaqsi kale oo dawladda Soomaaliya ka tirsan oo ka hadlay. Dad badan oo Soomaali ah ayaa Raysal-wasaare Cumar C/rashiid ku eedeeya in aanu wadani ahayn iyagoo sal uga dhigaya arimo badan oo ay ka mid yihiin:- 1. In Cumar C/rashiid 1990 kala qayb qaatay wadamo shisheeye oo Maraykanku ka mid ahaa Dumintii Dawladdii Soomaaliya oo dad badan oo Jabhado u badani ay ku lug lahaayeen balse isagu aanu kuwaas caawinayn ee uu la shaqaynayey Maraykanka iyo wadamo kale oo shisheeye oo ay Dawladdii Soomaaliya ee uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre (AHN) ka diiday in ay boobaan Khayraadka Soomaaliya oo Shidaalku ka mid yahay. 2. Muranka badda Soomaaliya ee Kenya isaga ayaa qayb ka ahaa oo Kenya heshiis hoosaad kala galay si Kenya halkaas Shidaal uga qodato. Qodashadaas oo baaqatay markii Xilka Raysalwasaare ee uu hayey laga qaaday waxay dib usoo noolaatay markii Xasan Shiikh kusoo celiyey Raysal wasaaraha balse taas waxa ka hor yimid Xasan Shiikh, Baarlamanka Soomaaliya, Xeer illaaliyaha Guud ee Dawladda iyo Shacbiga Soomaaliyeed oo Maxkamada ICJ u gudbiyey. 3. Wuxuu qayb ka ahaa qorshe Dawladda Kenya oo heshiis shidaal baadhis ah la gashay shirkad Norwey ah ay Qaybo ka mid ah xadka gobolada Geddo iyo Jubada Hoose oo xadka Kenya ku dhow si tuugo iyo sharci daro ah baadhis shidaal iyo macdan kaga samaynayso kaas oo weli lagu Kenya ku hawlan tahay ka midho-dhalintiisa. 4. Labada heshiis ee Imaaraadku Berbera kula wareegayoba waxaa qayb ka ahayd Dawladda Ex Raysal-wasaare Cumar C/rashiid. Madaxwynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Raysal-wasaaraha uu magacaabi doono ayaa la eegayaa sida ay arimahan uga falceliyaan. Dhegeyso hantidhowrka guud ee Soomaaliya Dr Jimcaale Voa:-   https://av.voanews.com/clips/VSO/2017/02/14/9206001d-d5eb-4796-b05a-3ea5e7d2e892.mp3        ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here