Dawladda Itoobiya oo qawaaniin cusub soo rogtay

0

Dowladda Itoobiya, ayaa daboolka ka qaaday qawaaniin cusub oo ay soo rogtay, kuwaasi oo qeyb ka ah xaaladda degdegga ee lagu dhawaaqay toddobaadkii tagay kaddib bilo dibadbaxyo rabshado watay. Diblomaasiyiinta ayaan loo ogolaan inay Addis Ababa wax ka badan afartan kilomitir safar ah uga baxaan, waxaana lagu soo rogay bandow warshadaha, beeraha iyo hey’adaha dowladda. Hubka iyo walxaha qaraxa keena ayaa laga mamnuucay meelaha xuduudaha iyo wadooyinka waa weyn oo la sheegay inay yihiin aagagga cas. In xiriir la sameeyo wax lagu sheegay dibadda ayaa iyana la mamnuucay. Boqolaal ayaa ku dhimatay dibadbaxyada labada qowmiyadood ee Itoobiya ugu badan oo sheega in siyaasad iyo dhaqaale ahaanba la riixay.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here