Dayuurado duqeeyey saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin duleedka magaalada Baydhabo

0

Dayaarado dagaal oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa gelinkii dambe ee shalay weeraray Degaanka Labaatan Jirow oo qiyaastii 60-km u jirta Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay. Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan ay dhacday ka dib markii laga war helay in saraakiil ka tirsan Al Shabaab uu shir uga socday Degaankaasi. Wasiirka Hub Ka Dhigista & Dhaqancelinta Maleeshiyada ee Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid qorsheysan, uuna u dhacay sidii loogu talla-galay. Xasan Xuseen Maxamed ayaa intaa ku daray in duqeymahaasi uu khasaaro xoogan ka soo gaartay Al-Shabaab, inkastoo aanu sheegin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha. Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in hawlgalada xilligan ka socda gobolada Bay iyo Bakool lagu soo gabagabeyn doono Xoogaga Al-Shabaab, illa haddana ma jiraan warar madax banana oo xaqiijinaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymahan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here