Deg-deg: Cali Khaliif oo Caynaba gaadhay beri subaxna Hargeysa tegeya

0

Caynaba- wararka laga helayo degmada Caynaba ayaa sheegaya in uu halkaas caawa gaadhay hogaamiyihii Khaatumo Dr Cali Khaliif Galaydh. Wararku waxay intaas ku darayaan in Beri subax soo dhoweymo loogu samayn doono magaalooyinka Burco, Berbera, iyo Hargaysa kadibna uu kasii aadi doono Djibuti. In badan oo bulshada SSC ka mid ah ayaa horuba u dareensanaa in Galaydh iyo kooxdiisu Soomaaliland ku biiri doonaan. Warar kale ayaa sheegaya in uu marmarsiinyo ka dhigtay shaqaaqadii maanta Buuhoodle ka dhacday oo markiiba waxgaradku xaliyeen balse uu doonayey in uu si toos ah Soonaaliland isugu dhiibo. Goobjooge ku sugnaa Buuhoodle markiu uu xagga Caynaba uga baxayey ayaa sheegay in uu ku hanjabayey in uu ciidan Somaliland ah usoo kaxaysan doono Buuhoodle oo ku qabsanayo. Waana astaan muujinaysa in uusan ka duwanayn siyaasiyiintii hore ula shaqayn jirey Soomaaliland ee HORGALADA la odhan jirey oo ku hanjabi jirey in ay ciidan Soomaaliland kasoo kaxaysanayaan oo degaanadda SSC ku qabsanayaan La soco wararka dambe  ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here