[Deg Deg] :- Dalka Ruushka Oo Somaliland U Soo Diray Wafti Diblamaasiyiin Ah , Goobaha Ay Booqdeen Iyo Ujeedka Ay U Yimadeen .

0

Dalka Ruushka ayaa waxaa uu dhawaan uu soo diray wafti Diblamaasiyiin dalka Somaliland  kuwaas oo booqasho ku yimid magaalada Hargeysa . Diblamaasiyiintan oo dalka yimid maalintii Arbacadii ayaa waxaa hogaaminaayey safiir ku xigeenka safaarada dalka Ruushku ku leeyahay dalka Jabuuti

Xogo rasmi ah oo ay heshay shabakada Goojacade.com waftigani waxaa ay booqasho ku tageen magaalo xeebeeda Berbera , isla markaana waxaa ay soo booqdeen dekada Berbera , madaarka Berbera iyo Xafada ku taala magaalaadaasi oo la yidhaahdo Moscow taas oo la magac  ah caasimada Ruushka isla markaana uu Ruushku dhisay xaafadaasi wakhtigii uu saldhiga ciidan ku lahaa Berbera

Wasaaarada arimaha dibada Somaliland oo waftigan idaacada BBc-du wax ka weyday waxaa ay sheegtay in booqashada waftigani ay tahay mid aan rasmi aheyn

Booqashadan waftigan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili xukuumada Somaliland saldhig ciidan magaalada Berbera ka siisay dawlada Imaraadka Carabta isla markaana Dekada Berbera oo qeyb ka mid ah Ruushku dhisay lagu wareejiyey maamulkeeda shirkada Dp World

Goojacade.com /Hargeysa Office

Goojacadewebsite@gmail.com

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here