Deg-deg: Dhegeyso Inta badan degmooyinka Muqdisho oo caawa Hoobiyayaal lagu weeraray

0

MUQDISHO- Wararka Naga Soo Gaaraya Muqdisho Ayaa Sheegaya In tiro Madaafiic Lagu Tuuray xaafado kamid ah magaalada muqdisho lama ogaan wali qasaaraha rasmiga ah iyo waxyeelada ay geesteen waxaana lasoo sheegayaa in tiro hoobiyeyaal ah ay ku dheceen Degmooyinka, Xamar jajab, Xamar weyne, Warta-nabadda, Waaberi iyo wadajir ee Magaalada muqdisho. Goojooge ku sugan Xaafad ku dhow Garoonka diyaaradaha ee AAdan Cadde Oo Warbaahinta La Hadlay ayaa sheegay Madfac ku dhacay xafad ay daganayeen oo ku taala nawaaxiga garoonka Muqdisho waxaana uu sheegay goobjoogahan inay Maqlayeen Daryanka madaficda kale oo ku dhacay qeybo kamid ah Muqdisho. Duqayntan caawa Hoobiyayaasha loogu geystey Muqdisho ayaa kusoo beegmaysa iyadoo beri la filayo in ay dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya. Isla markaana galabta waraaqo digniini ku qoran tahay lagu daadiyey agagaarka madaxtooyada iyo Baarlamaanka Soomaaliya. Dhegeyso goob jooge ka waramaya http://saadaalnews.net/wp-content/uploads/2017/02/waresi-goobjooge-madaafiic.mp3]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here