Deg-deg: Lix qof oo ku dhintay qarax xoogan oo Muqdisho ka dhacay

0

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay tiro ka badana way ku dhaawacantay qarax ka dhacay agagaarka mukhaayad ku taalla magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta. Qaraxan ayaa ka dhacay Maqaaxi lagu magacaabo Baar Italiano oo ku taalla waddada Mak Al Mukarramah. Maqaayadda ayaa u dhow Xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo la siman hoteelka Raaso una dhow waddada Maka Al-Mukarrama. Qaraxan ayaa la sheegay inuu sababay baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo la dhigay maqaayadda horteeda. Khasaaraha ayaa la filayaa inuu intaasi ka bato. Waxaa goobta qaraxa gaadhay saraakiisha gurmadka caafimaadka, waxaana goobjoogayaashu sheegeen inay gubteen dhowr baabuur oo holcayey. Dhinnaca kalena ugu yaraan saddex ka tirsan ciidamada dawladda ayaa ku dhintay qarax ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose maanta kadib markii baabuurkii ay la socdeen lala beegsaday walxaha qarxa. Qaraxyadan ayaa imanaya iyadoo xarunta Villa Somalia ay ka socdaan shirar ku saabsan amniga qaranka kadib markii madaxweynuhu uu maanta booqday gobolka Shabeellaha Hoose.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here