DEG DEG: Maareeyaha Dekeda iyo Air Por-ka Muqdisho oo la magacaabay

0

April 06 (Goojacade.com)— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow magacaabay Maareeyaha Dekeda iyo Air Por-ka Muqdisho iyo Taliye kuxigeenka NISA. Magacaabistan ayaa daba socota is bedelkii weynaa ee maanta lagu sameeyay afarta Taliye ee Ciidamada qalabka sida, kuwaasoo lagu bedelay taliyeyaal cusub. Maareeyaha Dekeda Muqdisho ayaa waxaa loo magacaabay Axmed Washington, isagoo bedelaya maareeyihii hore ee mudada xilka hayay C/llaahi Cali Nuur. Sidoo kale Maareeyaha Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa loo magacaabay Yuusuf Cabdui Cabdulle oo loo yaqaano Yuusuf Jaalle oo ahaa Madaxii Ololaha doorashada Madaxweyne Farmaajo. Magacaabistan labada xil ayaa jawaab u ah qeyla dhaanta Beesha Galmaax Yoonis ka keeneen magacaabistii Gobolka Banaadir, iyadoo labo xil la siiyay beeshan oo lagu qanciyay. Sidoo kale waxaa la magacaabay Taliye kuxigeenka NISA oo loo magacaabay C/fataax Shaaweeye oo horay uga mid ahaa Saraakiisha NISA. Is bedelada maanta la sameeyay ayaa noqonayaa kii ugu ballaarnaa ee ay sameyso Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo oo muddo labo bil u buuxsantay.
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here