Degaamada SSC oo laga soo dhoweeyey go’aankii Ciidamada Buuhoodle ku xanibeen Cali Khaliif

0

Xidhiidho kala duwan oo aanu la samaynay inta badan degaamada Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa muujinaya in si weyn loo taageeray Go’aankii Ciidamada Difaaca Buuhoodle ay isku hortaageen Cali Khaliif Galaydh oo doonaya inuu maanta u duulo Magaalada Jabuuti, si uu wadahadalo shaqsiyadeed ula yeesho Xukuumada Somaliland.

Dadku waxay aaminsan yihiin, inuu khaayimay dadkii aaminay, uuna Somaliland ka doonayo wax isaga u gaar ah, heshiisyadii uu galayna aanay wax dan guud ah iyo SAAMI-QAYBSI ahi ka muuqan.

Degaamadu waxay isku raacsan yihiin in Cali Khaliif aanu metelin, loona baahan yahay in talo cusub laysugu yimaado.

Sidoo kale waxaa laysku raacsan yahay in aanay bislayn wadahadal Somaliland lala galo, islamarkaana aan laysku halayn karin Xukuumada maanta somaliland ka jirta.

Afhayeen u hadlay Ciidanka Difaaca Buuhoodle oo faahfaahin ka bixiyey sababaha ay xayiraada socdaalka u saareen Cali, ayaa sheegay in aanu metelin dadka iyo degaaka buuhoodle, sidaas darteedna ay ka hortegayaan sheegashadiisa, maadaama uu goaansaday inuu Somaliland ku biiro, oo Khatumo burburiyey.

Haddii Ciidamada Gobolka Cayn ay ku adkaystaan xayiraada ay Cali ku soo rogeen, waxaa laga yaabaa inuu socdaal xaga dhulka ah uu Hargeysa ku tago.

Dhacdani waxay markhaati ka tahy inaan Cali Khaliif wax taageero ah ka haysan shacabka Khaatumo, oo uu iminka ismiidis ku soo gelayo Somaliland, xaalada uu iminka ku sugan yahayna, majirto wax qiimo ah oo wadahadalkiisu soo kordhinayaa.        Xigasho: xaysimo.com  ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here