Degdeg: Golaha Wasiiradda Puntland oo maanta degaamo ka tirsan G/Sool raaciyey G/Karkaar

0

Shirka golaha wasiiradda Puntland ee khamiislaha ah oo uu maanta gudoominayey Mafaxweynaha Puntland C/Weli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu meel mariyay 4 magaalo oo loo aqoosandoono inay kamid noqdon doonaan degmooyinka Puntland. Degmooyinkaan ayaa kala, Bursaalax, gobolka Mudug, Shaxda, gobolka Karkaar, Xumbays, gobolka Bari iyo Dhudhub oo katirsan gobolka Karkaar. Degmooyinkaan ayaa gollaha waxaa horgeeyay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland, Magaaladda SHAXDA oo ka tirsan Gobolka Sool, gaar ahaan Degmadda Taleex ayay golaha Wasiiradda Puntland maanta si rasmi ah u raaciyeen Gobolka Karkaar. Wararka laga helayo Shirka Wasiiradda ee Maanta ayaa sheegaya in  Wasiirka Beeraha Timacade, iyo Wasiir ku xigeenka Dekedaha Food ay kulanka diidmo xoogleh ka muujiyeen iyagoo sheegay in SHAXDU ka tirsan tahay Gobolka Sool hase yeeshee  dheg loo jalaqsiin waayey. Wasiirka Arimaha Gudaha Axmed Karaash oo Wasaaraddiisu Degmooyinkan gollaha usoo gudbisay ayaa ka mid ah Wasiiradda Puntland ee Gobolka Sool kasoo jeeda. Shacabka SSC oo in badan Puntland ka quudaraynayey in ay wax ka xorayso Degaamadda SSC ee Somaliland hoosaasinta Puntland ku qabsatay oo hore uga quus gaabnaa xorayn degaamadooda uga timaada Puntland ayay arintani u muujinaysaa in Goboladda Puntland ka hor Waqooyi Bari la isku odhan jirey Qabsiga iyo Boobka dhulka SSC ka qayb galeen. Maamulka Somaliland oo isagu xaqiiqsan in SHAXDU ay ka tirsan tahay gobolka Sool, siiba Degmadda Taleex ayaa isagu dhowaan SHAXDA u magacaabay Degmo Cusub. Degaanka Maanta laga qaaday Gobolka Sool, Waxaa beel ahaan kasoo jeeda qaar ka mid ah shakhsiyaadka ugu awooda badan Golayaasha Puntland. Waxaa dhowan loo gudbin doonaa gollaha barlamaanka Puntland si ay uga doodaan meel marintooda. AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA MADAXTOOYADA ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here