DF Somalia oo soo xirtay guddoomiyihii Garbahaarey ee diiday xil ka qaadista

0
jeel

Guddoomiyihii degmada Garbahaareey ee gobalka Gedo Iimaan Caddow ayaa galabta isagoo xiran laga dejiyay magaalada Luuq, sida ay noo xaqiijiyeen xubno xog-ogaal ah.

Guddoomiye Iimaan Caddow ayaa dhawaan diiday xil ka qaadis uu ku sameeyay guddoomiye ku-xigeenka gobalka Gedo ahna ku simaha guddoomiyaha gobalka.

Waan waan ay sameeyeen odayaasha degaanka iyo masuuliyiinta gobalka ayaa mira dhali weysay, waxaana la sheegay in guddoomiyaha uu diidanaa xil ka qaadistiisa.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka soo qabtay magaalada Garbahaareey, waxaana diyaarad gaar ah looga qaaday isla magaaladaas, isaga oo la geeyey Luuq.

Lama oga sida ay ka yeeli doonto dowladda Soomaaliya, hase yeeshee waxa uu kamid yahay mas’uuliyiin dhowr ah oo diiday isbadalka gobalka, kuwaas oo qaarkood sidaan oo kale ay usoo xirtay dowladda.

n Maamulka Jubbaland ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in faro-gelin ku heyso maamulkaas gaar ahaan arrimaha Gedo, iyadoo ka digtay qatar arintaas ka dhalan karta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here