Dhaqaatiirta England oo shaqo joojin sameeyey

0

Tobanaan kun oo dhaqaatiir ah ayaa England ka bilaabay afar iyo labaatan saacadood oo shaqo joojin ah, iyagoo ka cabanaya mushaarka iyo xaalada ay ku shaqeeyaan. Dowladda Britain ayaa doonaysa inay saxiixaan heshiis cusub ee shaqada oo kordhinaaya mushaarkooda, laakiin hoos u dhigaaya lacagta ay qaataan saacadaha ay shaqeeyaan maalmaha la nasto iyo habeenkii. Dhaqaatiirta ayaa shheegay, in heshiiska cusub ee shaqada uusan ahayn xaq ayna ka digeen inuu wax u dhimaayo caafimaadka bukaanka iyo dhaqaatiirta. Waqtiga shaqo joojinta, dhaqaatiirta ayaa daawayn doona oo kaliya bukaanka qaba xaalad deg deg ah. Waxaa la joojiyay kumanaan qaliimo dhici lahaa iyo daawayntii kale. Ra’iiisalwasaraha Britain David Cameron ayaa ugu yeeray shaqo joojinta mid qasaaro keentay.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here