Dhegayso Heshiisyo laga gaaray nabadaynta beelaha deegaanka Qorilay iyo Magacley

0

Shirkii Nabadeynta ee beelaha Qorilay iyo Magacley uga socday Deegaanka Xoorre ee xadka Somalia iyo Ethopia, ayaa lagu soo gaba gabeeyay hishiis lagu soo afjarayo colaadda mudada u dhaxaysay beelo wada dega degaankaasi. Wadahadalka oo garwadeen ka ahaayeen Odoyaal dhaqameed ka yimid maamulka Jubbaland, Puntland iyo SSC ayaa waxay shalay 14 November, 2015 soo saareen hishiin qodobaysan, kaasi oo lagu qeexay dhibta kala gaartay dhinacyada dagaallamay iyo qaabkii loo bixin lahaa magdhaw ku aadan wixii labada dhinac kala gaysteen. Xoghayihii hore ee degmada Burtinle Xaafid Cabdirsaaq Axmed oo haatan ku sugan goobta hishiiska lagu gaaray ayaa Radio Garowe u sheegay in la simay dhammaan dhibkii dhacay, wuxuuna tilmaamay in colaadda labada beelood ku dhinteen 55 ruux oo ku jirto qof dumar ah, halka tiro intaasi ka badan ku dhawacantay. Wuxuu sheegay in dhammaan dadka geeriyooday laga bixinayo calaa qof 100 halaad, halka qofta dumarka ah magteedu tahay 50, waxaana loo qabtay muddo dhan 6 bilood. Ergada ka socotay labada bilood ayaa ku qanacday hishiiska, waxaana waxgaradka dhex dhexaadinta wada goobta ku sugnaan doonaa inta duugta laga bixinayo. Ammaanka goobta shirku ka dhacayo waxaa sugayay ciidamo ka socday dalka Ethopia, ka dib saluug ay muujiyeen garab ka tirsan beelaha la hishiisiinayo. Dhegayso Radio Garowe ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here