Dhegayso shir looga hadlayo Arimaha Somalia oo ka dhacaya Xarunta Q/midoobay iyo waxa looga hadlayo

0

Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York ayaa waxaa ku kulmaya hogaamiyeyaasha Wadammada aduunka intooda badan, si ay uga qeyb qaataan furitaanka shirweynaha 70-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Waxaa isna jira kulan hor dhaca oo looga wada hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay wadajir u shir gudoomin doonaan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon. Shirkaas iyo waxyaabaha looga hadlayo waxaa Idaacada BBC Somali uga waramay Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Daauud Aweys, oo khadka taleefanka ee New York ugu warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare. DHAGEYSO AFHAYEENKA MADAXWEYNAHA ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here