Dhegeyso Alshabaab: Farmaajo waa nin fudud, Raggii isaga ka horeeyey ee aanu la dagaalanayna isagaa ugu liita

0

Ururka Alshabaab ayaa ka hadlay hadalkii dhawaan kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya ee uu ku iclaamiyay dagaal adag oo ka dhan ururka Alshabaab oo dagaal kula jira dowladda iyo ciidamada AMISOM. Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan dowladda Soomaaliya uu soo bilowday tan iyo markii la aasaasay ururka Al-shabaab , islamarkaana uu sii socon doono inta ururka uu jiro. Abuu Muscab ayaa sheegay in dalka ay dagaal kula galeen isbaheysigii Argagixiso la dirirka iyo dowladdii madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ilaa haatanna uu yahay mid sii soconayo, sida uu sheegay. “uguma horayn, dhammaan nimankan soo sheegay, aan la soo dagaalanay C/laahi, Shariif iyo Xasan intooduba dagaal bay afar iyo labaatanka saac nagu iclaaminayeen, oo halmar aan ahayn, Ilaahay (SWT) ayaga uun buu meesha ka saaray, Farmaajana halkaa uun buu mari.” Ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab. “Farmaajo waxaa u sii dheer waxaa weeye nin aad u fud fudud, sida muuqata oo dadkoo dhan ay ka arkaan. Wax yar oo muddo kooban ayuu meesha joogay, qurbuhuuna ka yimid, oo nin dhulka Somaliyeed iyo dagaalka ka socdo horey u sii joogay muusan ahayn.” Ayuu yiri Abuu Muscab. Dhegeyso Abu Muscab [audio mp3="http://goojacade.com/wp-content/uploads/2017/04/Shabaab-Farmajo.mp3"][/audio]]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here