DHEGEYSO BOLIISKA GAROOWE OO QABTAY NIN HORE UGA QAYBQAATAY KUFSIGII GABDHAHA GALDOGOB

0

GAROOWE- Ciidamada Booliska Magaalada Garowe ayaa gacanta ku soo dhigay Bishaar Cabdisamad Maxamed oo kamid ah dhalinyaradii Kufsi Wadareedka ka geestay duleedka Degmada Galdogo ee gobalka mudug, wuxuuna Baxsad ahaa tan iyo markii uu ka qayb qaatay falka kufsiga ah walow uu xukun ku dhacay isaga oo maqan. Ninkan ayaa ku dhuumaalaysanayey guri kuyaala xaafada 1-da agoosto ee magaalada Garoowe markii ay Ciidamada boliisku Gacanta ku soo dhigeen. waxaa soo qabashadiisa Fududeeyay Gudoomiyaha maxakmada Ciidamada qalabka sida ee puntland Saalax liif. Gudoomiye Saalax ayaa ciidamada Booliska garowe ku wargaliyay halka uu ku Sugnaa Bishaar Cabdisamad Maxamed sida uu sheegay Taliyaha Saldhiga Garowe dhame Maxamuud Muuse Bile . Dhegeyso warbixinta Taliyaha: ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here