Dhegeyso Dawladda Soomaaliya oo xasuuqii qaxootiga Somalia Yaman ku eedaysay isbahaysiga Somaliya ka mid tahay ee la dagaalamaya Xuutiyiinta Yaman

0

Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Mr hadliye oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa xasuuqii dadka doonta Saaran ee Qaxootiga Soomaalida ah loogu geystey Yaman ku eedeeyey Isbahaysiga dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yaman, Isbahaysigaas oo Soomaaliya ka mid tahay. Isbahaysiga Sucuudigu horkacayo ee falkan lagu eedeeyey ayaan illaa hadda qiraal ka bixin. Falkan ayaa Soomaalida ku dhimatay tiradoodu gaadhaysaa 42 qof halka dhaawacyona ay jiraan. Soomaalida Weerarkan loo geystay ayaa la sheegay in ay safar u ahaayeen dalja Suudaan. Hadalka wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ka bixiyey dhacdan ee eedaynta ah ayaa muujinaya in dawladda Soomaaliya aanay waxba kala socon dagaalka isbahaysiga ee ay sida sahlan uga qayb gashay. Dhegeyso hadalka Wasiir Hadliye. https://youtu.be/rFyMMuk5-9w]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here