Dhegeyso Dhimasho ka dhalatay iska hor-imaad dhexmaray ciidanka Puntland iyo kooxda markabka ku haysata Caluula

0

Caluula-2 qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay midkale waa ku dhintay iska hor imaad saakay dhex maray Ciidamada badda Puntlandi yo koox burcad-badeed loo maleeyey oo markabka ku haysta deegaanka xaabbo oo 60 KM degmada caluula. Is rasaasaynta ayaa bilaabatay kadib markii ciidanka badda ay rasaas ku fureen saxiimad u socotay dhanka markabka la haysto islamarkaana ka jawaabeen kooxda markabka haysata. Dadka dhawaacmay ayaa xabadu ugu tagtay gudaha magaalada xaabo halka qofka dhintay ay xabadu xeebta ku haleeshay sida uu noo xaqiijiyey gudoomiyaha deegaanka xaabo. Maxamed Cabdi Ismaaciil gudoomiyaha degmada Xaabo ee gobalka gardafuu ayaa ku cambaareeyey ciidanka dowladda inay xabada bilaabeen xili la doonayey in xal nabadeed lagu dhameeyo xaalada markabka. Maxamed ayaa intaa ku daray in wixii dhacay uu masuuliyadeed qaadayo gudoomiyaha gobalka Gardafuu,waxaana ku baaqay in wadahadal lagu dhameeyo xaalada markabka la haysto. Kooxda burcad-badeeda loo malaynayo oo sheegtay kaluumaysato dulman ayaa wali gacanta ku haya markabka lama saadaalin karo sida ay xaalado noqon doonto hadii ay ka dhaga adagyaan inay siidaayaan markabkaasi. Halkaan ka dhegeyso waraysiga oo dhamaystiran. http://www.raxanreeb.com/wp-content/uploads/2017/03/Maxamed-Cabdi-Ismaaciil-gudoomiyaha-degmada-Xaabo-ee-gobalka-gardafuu.mp3]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here