Dhegeyso Eng Camey oo dhaliilay maraakiibta NATO, kana hadlay duqayntii Yaman

0

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Cabdixakiim Cabdillaahi Cumar Camey ayaa maanta si xoog leh u dhaliilay maraakiibta Nato ee ku sugan xeebaha Soomaaliya oo uu sheegay in aanay waxba ka qabanayn jiriifka ba’an ee lagu hayo xeebaha Soomaaliya, iyo Sunta iyo qashinka lagu shubayo. Wuxuuna ka codsaday in haddii aanay arimahaas wax ka qabanayn ay isaga tagaan xeebaha Soomaaliya. Eng Camey waxa kale oo uu ka hadlay weerarkii duqaynta ahaa ee xeebaha Yaman loogu geystey dooni ay saaraayeen dad Soomaaliyeed oo 42 qof ku dhinteen isagoo u tacsiyeeyey. Eng Camey oo ka hadlayey munaasibad ganacsato reer Djibuti ah lagu gudoonsiinayey Markabkii dhowaan lagu afduubay xeebaha Puntland oo lasoo qabtay ayaa dalacaad darajo ku abaalmariyey ciidamadii hawlgalkaas fuliyey. Qaar ka mid ah ganacsatadii Djibuti ee markabka lahayd ayaa halkaas uga mahadceliyey Maamulka iyo Shacbiga Puntland. Dhaliisha Camey ee maraakiibta NATO ayaa muujin karta sida uu Eng Camey uga madaxbanaan yahay dhaliisha Maamulkiisa loogu soo jeediyo in ay qayb ka yihiin Jiriifka iyo kaluumaysiga sharcidaradda ah ee xeebaha Puntland lagu hayo. Dhegeyso Camey VOA. http://www.radiowidhwidh.com/wp-content/uploads/2017/03/6b09ed2b-ac81-4848-bcaf-cfa94dd526e1_hq.mp3]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here