Dhegeyso Madxweynaha Khaatumo iyo weftigiisa oo Nayroobi gaadhay iyo waraysi uu bixiyey intuu Hargeysa ku sugnaa

0

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh oo uu weheliyo Wasiirkiisa Arimaha Dibadda Maxamed Ismaaciil Shabac ayaa maanta gelinkii dambe gaadhay Magaaladda Nayroobi. Weftiga Madaxweynaha ayaa labadii maalmood ee u danbeeyey ku Sugnaa Hargeysa, halkaas oo ay u yimaadeen in ay Diyaarad uga raacaan Dalka Kenya. Kadib markii magaalada Buuhoodle oo uu hore ugu sugnaa ay uga dhoofi kari waayeen cillad xagga Diyaaraddaha iyo Roobabka ah. Madaxweyne Galaydh iyo weftigiisa ayaa intii ay ku sugnaayeen Hargeysa la kulmay Madax kala duwan oo Somaliland ah oo Siilaanyo ku jiro. Kulamadaas oo ay uga wada hadleen sidii loo ambaqaadi lahaa wadahadaladii hore ugu socday Maamuladda Khaatumo iyo Somaliland. Weftiga Khaatumo ayay wararku sheegayaan in ay Nayroobi u tageen Danaha Khaatumo, iyo Arimaha Soomaaliya. Iyagoo la kulmi doona Qurbajoogta Khaatumo ee Kenya ku sugan, Diblomaasiyiin shisheeye, iyo deeq bixiyayaal Caalami ah. Maamulka Khaatumo ayaa Maamulka Somaliland intii wadahadaladu u socdeen loo aqoonsaday maamul la siman kan Somaliland, arintaasoo laga ansixiyey Golaha Baarlamaanka Somaliland, walow ay jireen dad kasoo jeeday degaamadda SSC oo aad uga biyo diidey aqoonsiga Khaatumo. Mr Galaydh ayaa intii aanu maanta ka dhoofin Hargeysa Idaacadda VOA waraysi dhinacyo badan la yeelatay. DHEGEYSO WARAYSIGA. https://av.voanews.com/clips/VSO/2017/05/22/86fd28b3-c417-48e2-8c05-6be990ae18ce_16k.mp3]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here