YURUB- Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Yurub aya si isku mid ah u soo dhaweeyay Madaxweynaha Cusub ee lagu doortay Magaalada Muqdisho iyo hanaankii Cadaalada ahaa ee ay Baarlamaanku wax u doorteen,
Maxamed Muuse Guuleed oo ka mid ah Siyaasiyiintaasi ayaa sheegay in Maamuus heer sare ah uu ka muuqanayo Golaha barlamaanka tasi oo uu tilmaamay inay Cadeyn u tahay inay Yimaadeen Xildhibaano Daacad ah,
Waxa uu sidoo kale sheegay in Maamulka Dalka ay hatan talo weyn ku yeelanayan dadka Soomaliyeed isaga oo ku baaqay in sida uu Baarlamaanku u diirtay oo kale loo sameeyo Maxkamadii Dastuuriga ahayd si looga gaashaanto Khilaf soo kala dhex gala Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu keeni doono.
Dhegeyso
[audio mp3="http://goojacade.com/wp-content/uploads/2017/02/Maxamed-Muuse-Guuleed.mp3"][/audio]]]>