Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Madaafiic xalay Baydhabo lagu garaacay

0

Inta la xaqiijiyay 4 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday oo uu ku jiro ilmo yari, madaafiicda lagu garaacay magaalada Baydhabo, waxaa sidoo kale Madaaficdan ku dhaawacmay in ka badan 20-qof. Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in xalay qaybo ka mid ah magaalada lagu garaacay madaafiic kuwaasi oo lala beegsadey xeryo ay degen yihiin ciidamada Amisom iyo madaxtooyada. Shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo ayaa aad uga argagaxay madaafiicdan xalay lagu soo garaacay magaaladaasi, lamana oga halka bartilmaameedka u ahaa maaafiicdan khasaaraha uu kasoo gaadhey dadka shacabka ah. Dhinaca kale ma jirto cid sheegatey masuuliyadda madaafiicdaasi.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here