DHULBAHANTE SOMALILAND UMA BAAHNA EE IYADAA U BAAHAN 50% -50% AMA

0

Markii Somaliland ka meeraalaysatay SAAMI-QAYBSIGII HESHIISKII AWRBOOGAYS ee lagu balansanaa, Dad badan ayaa filayey in odayada Cilmaaniyiinta ah ee kooxda Khaatumo ee ay Wadahadalka la fureen ay la iman doonaan heshiis ay ka muuqato SAAMIQAYSI cad oo qeexan, maadaama loo tirinayey inay leeyihiin cilmi iyo khibrad bal caqligu hayska dambeeyee, laakiin waxaa soo baxday in loogu heeso (DADKAYAGA CID MOODAY LABO CALI, CAWAANSADAY MIYAA CAQIIBO LEH), mana jiro qodob qudha oo qoraalkii ay Somaliland la qorteen ah oo heshiis lagu tilmaami karo, waxayna astaan u noqotay in cilmiga caqligu ka horeeyo. Si kastaba hayska ahaatee waxaa muuqata in xaalada Dhulbahante iyo Somaliland ay tahay mid qasan, sababtoo ah KAN LOO BAAHAN YAHAY GARAN MAAYO IN ISAGU YAHAY LOO BAAHANE, KAN BAAHANINA GARAN MAAYO INUU ISAGU YAHAY BAAHANE. DHULBAHANTE SOMALILAND MA U BAAHAN YAHAY? Jawaabta Suaashani waa MAYA, marka laga reebo in inta Somaliweyn ay ka degayso ay nabadgelyo ku wada noolaadaan, maadaama aanay jirin cid kale oo wax lala qabsada ama meel kale oo loo dagaalamo oo laysku halayn karo. Sababaha aan Dhulbahante Somaliland ugu baahnayn waxaa ka mid ah. DHULBAHANTE; 1. Dawladnimadii Soomaaliyeed dhib uu kaga cararo kama soo marin. 2. Inuu Somaliweyn ka goana faaiido uguma jirto 3. Somalilandta hada dhisan gooni-isutaageeda wax faaiido ah oo uga muuqato. 4. Inuu cid ka aargoysto oo dulmiyo ama degaankeeda boobo ma doonayo, sidii XASUUQII IYO DEGAAN BOOBKII KALSHAALE. 5. Dawlad hal qabiil leeyahay oo aanay ula sinayn talo, tusmo iyo ganacsitoona ka mid noqoshadeedu waa gacantaada isku gowrac. 6. Dawlad ay Minority ka yihiin uma baahna, iyagoo helaya mid Somaliweyn oo ay Daarood ka yihiin. 7. Qabyaalada oo ah waxa ugu badan ee Soomaalidu texgelisaana meesha kuma jirto. SIDAAS DARTEED SOMALILAND BEESHA ISAAQ KU CUNA DUUBAN TAHAY AYAA DHULBAHANTE U BAAHAN EE DHULBAHANTE UMA BAAHNA. SOMALILAND MAXAA LA GUDBOON? Somaliland waxaa u banaan 3 qodob midkood: Qodobka 1aad: inay raadiyaan Heshiis dhaba oo SAAMI-QAYBSIGIISA, DASTUURKIISU IYO SHARCIYADIISA QEEXAN YAHAY oo ay BEESHE DHULBAHANTE la galaan, kana waantoobaan leex leexa iyo qalaanqalo ku meeraalaysiga QAYBI OO XUKUN KU DHISAN ee MAXAMUUD XAASHI hormuudka ka yahay, oo ah qorshe loogu talo galay in Beesha lagu elhaaneeyo: HESHIISKU MUXUU NOQONAYAA? Marka bulshooyin sidan oo kale aan kalsooni isku qabinin heshiis wada gelayaan waxaa jira qodobo muhiim ah oo heshiisku ka bilowdo sida Saami Qaybsiga, (Minority protection), Legal Protection. Dhulbahante waa inay helaan waxay Somaliweyn kaga samraan, waxay Daarood kaga tagaan, waxay kaga qancaan oo ku bedeshaan waxa isaaqu rabo, sidaas darteed waxaa anfacaysa SAAMI-QAYBSI 50% Somaliland, goleyaal, ciidamo, shaqaale, ganacsi, iwm. Dastuurka Somaliland iyo dhamaan sharciyadooda waa in dib loo furaa oo lagu noqdaa, kuwo danahooda ilaalinaya iyo awood diidmo (VETO) ay ku darsadaan, haday tahay Ganacsi iyo haday tahay xuquuqaha kaleba, si looga digtoonaado inay dhacdo khasaaraha hada la gaadhsiiyey ganacsatada reer Laascaanood ee Cable ka Internetka, oo iyadoo nin keliya loo danaynayo loo diiday inay Xadhigii Internetka Magaalada Laascaanood soo geliyaan oo tartan xor iyo xalaal ah galaan, arintan ayaa laga dheehan karaa astaan hordhac u ah tacadiyo qaawan oo soo socda mustaqbalka dhow. Waa in laysla meeldhigaa Mustaqbalka Somaliland siduu noqonayo ama u ekaanayo, lana bedelaa 10 ODAY EE ILMA ADEERKA AH EE GOLAYAASHA IYO XISBIYADA ISKU XEERAY IYAGOO DIMOQRAADIYADA IYO DOORASHADA KU XOQANAYA. Qodobka 2aad: Somaliland inay doorato sida maanta lagu wada joogo inta ay ka degayso Soomaalida koonfureed, ama laga gaadhayo heer ninka dhulbahante ee dagaal Somaliland la gala ama ku dhinta Somaliweyn u aqoonsanayso geesi u dhintay midnimada Soomaaliyeed oo magaciisa lagu qorayo TAALADA DALJIRKA DAHSOON, halka ay maanta u arkayaan, labo qabiil oo isdilaya. Somaliland mar walba way helaysaa horgalo iyo qoraxjoog ku filan, laakiin waa kuwii weligoodba joogi jiray oo aan shacabka iyo degaanka wax saameyn ah ku lahayn. Qodobka 3aad: Inay sidii KALSHAALE YEELAAN OO INTAY AARGOOSTAAN OO DAD SHACAB AH LAAYAAN ISAGA SOO BAXAAN. Waxaa aragti gaabnaan noqonaysa in haddii Taleex laysku sawiro loo qaato in guul la gaaray. Waxaa ka sii daran in Musharaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi uu iyadoo aan saami qaybsigii laysla meel dhigin oo umadiiba heshiisyadii lagaga baxay yiraahdo ii codeeya, isagoo aan isweydiin NINKII ISDIIWAANGELIYEY MA CODEYN DOONAAN HADDII HESHIISYADII LAGA BAXO AMA AAN KUWO CUSUB LA GELIN? MAXAA LAGAA FAAIIDAYAA OO LAGUUGU CODEEYAA? MISE 20 DHALINYARADA AHAA EE UU LAASCAANOOD U SOO DIRI JIRAY BAA UGU WARAMAY LAGAAMA MAARMO OO ADAA LAGUU XIDHAN YAHAY? DHULBAHANTE MAXAA LA GUDBOON? DHULBAHANTE WAXAA LA GUDBOON INAY GARTAAN: 1. In iyaga loo baahan yahay ee aanay baahane ahayn, wixii ka khaldana ay kala mid yihiin Soomaalida. 2. In kala goa Soomaaliweyn la’aantood aanu suurtagal noqon doonin. 3. In Waqooyi iyo Koonfur marba qoladii ay raacaan adkaanayso, waqtiina uu soo dhowyahay 5 sano ee soo soctana isbedel la arkayo. Somalilandna caalamku u aqoonsan yahay qayb Soomaaliya ka mid ah, oo aanay waxba isdhaamin. 4. Inaan SAAMI-QAYBSI 50% ka yar aanay marnaba dani ugu jirin, haddii iyadoo aan laga heshiin ay Somalland raacaana ay la mid noqonayaan sidii 1960 markii gobolada waqooyi koonfur shuruud iyo heshiis la’aan ugu raaceen, gadaalna looga shalayn doono. 5. In wadahadal kasta loogu horeysiiyo Raaligelinta iyo meel saarista Xasuuqii Kalshaale iyo cidii ka dambeysay oo maxkamad la soo taago. 6. In Haddii Cali Khaliif iyo Cali Ciise Cabdi ay Somaliland u adeegaan oo ay Hargeysa iska xaadiriyaan aanay waxba ka duwanaan doonin SALEEBAAN XAGLOTOOSIYE, waxayna ku biirayaan horgalada, MARNABANA DHULBAHANTE LAGA WAAYI MAAYO 10 QOF OO XAFIISYADA BEESHA CAALAMKA WARAAQAHA LA WAREEGA. 7. In Dadkii Isdiiwaangeliyey ay dib uga fiirsadaan inay qaadacaan codeynta doorashada Somaliland, bayaan ay ku cadyihiin sababahana ay u gudbiyaan Beesha Caalamka, haddii inta ka horaysa aan la gaadhin heshiis ku fadhiya SAAMI-QAYBSI dhamaystiran iyo samaysiga dastuur u danaynaya oo siinaya (Legal Protection). Ugu dambeyntii waxaa jira xubno dhaqaale doona oo Hargeysa xidhiidh la leh, kuwaas oo had iyo jeer ka hadla horumar iyo dhaqaale, Somaliland 25 sano wax horumar ah oo la taaban karo oo ay gaartay ma jirto, Hargeysa iyo Laascaanood waa isku mid, midkoodna wershado iyo ilo dhaqaale oo kale kuma soo kordhin, baahiduna isku si bay uga jirtaa, waxaa dhaxalgalka ahi waa heshiis caruurta anfaca. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here