Saraakiil ka tirsan sirdoonka dalka Afqaanistaan ayaa xaqiijiyay in hoggaamiyaha Taalibaan, Mullah Akhtar Maansuur, lagu dilay duqeyn uu mareykanka ka gaystay gudaha dalka Pakistan. Kal hore, Mareykanka ayaa shegegay in ay suurtagal tahay in hoggaamiyahaasi Taalibaan uu ku dhintay gantaal lagula beegsaday meel u dhow xudduudda dalka Afqaanistaan. Xoghayaha arrimaha dibadda mareykanka John Kerry, ayaa sheegay in Mullah Maansuur, oo ururkaasi hoggaanka u hayay tan iyo bishii July ee sanadkii hore uu halis joogta ah ku hayay ciidamada mareykanka ee jooga dalka Afqaanistaan iyo sidoo kale xogagga ammaanka iyo shacabka dalkaasi. Dowladaha Afqaanistaan iyo Pakistan ayaa weerarkaasi lagu wargeliyay wax yar uun kaddib markii duqeynta ay dhacday.]]>
QORAALADII U DAMBEEYEY
Akhriso Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr
Raiisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta magaalada Jigjiga ku geeriyooday.