Diyaarad dalka Masar laga leeyahay oo burburtay

0

Madaxda sare ee shirkadda Egypt Air ayaa xaqiijisay in ay dhacday diyaaraddii ay lahaayeen MS804 ee xalay kasoo kicitintay magaalada Paris kuna soo jeeday magaalada Qaahira. Doyaaradda ayaa waxaa saarkaa 66-ruux oo kasoo kala jeeday 12-dal, waxaana soddon ka mid ah rakaabku ahaayeen masaari. Diyaaradda ayaa xalay abaarihii 23:09 kasoo kicitintay cillad la`aan dagoonka Charles De Gaulle ee magaalada Paris, waxaana la caddeeyay in ay soo gashay hawada dalka Masar saaka aroor. Dad ayaa sheegay in ay arkeen holac cirka ka baxaya dabadeedna dhanka badda ku dhacaya. Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 10-shaqaale iyo 56-rakaab ah, waxaana ay kasoo kala jeedeen waddamada: 30 – Egypt 15 – France 2 – Irak 1 – Britain 1 – Belgium 1 – Kuwait 1 – Saudi-Arabia 1 – Sudan 1 – Chad 1 – Portugal 1 – Algerie 1 – Canada]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here