Diyaarad ku dhacday South Sudan oo 40 qof ka badani ku dhinteen

0

Diyaarad nooca xamuulka qaadda oo uu Ruushka sameeyay ayaa burburtay waxyar un kaddib markii ay ka duushay gagida diyaaradaha ee caasimadda South Sudan ee Juba. Wararka ayaa sheegaya in in ka badan 40 qof ay dhinteen, iyadoo qaar ka mid ah dadka halkaasi ku dhintay loo malaynayo in ay yihiin dad ku sugnaa meesha ay diyaaradda ku dhacday. Idaacada Juba ee la yiraahdo Radio Miraya ayaa sheegay in diyaarad nooceedu yahay Antonov oo ku socotay Paloch in Upper Nile State ay ku burburtay meel 800m (half a mile) u jirta Garoonkii ay ku degi lahayd. Afhayeenka u hadlay Madaxtooyada oo la yiraahdo Ateny Wek Ateny ayaa wakaalada Reuters news agency u sheegay in ay jiraan ugu yaraan labo qof oo ka badbaaday oo midi yahay ilmo yar. haatan waxaa soconaya baaritaan lagu baadigoobayo in ay jiraan dad kale oo ka badbaaday burburka diyaaradda. Source: BBC]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here