DIYAARAD SIDA GARGAAR CAAFIMAAD OO KA YIMID QATAR OO SOO CAGA-DHIGATAY MUQDISHO

0

Muqdisho (GN) ─ Diyaaraddii dowladda Qatar soo dirtay ee siday gurmadka caafimaad ayaa ka soo degtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo diyaaradan ah mid milateri laga dejinayo illaa laba tan oo daawooyin iyo qalab caafimaad isugu jira. Diyaaradan waxaa saarnaa dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad, oo ka qeyb qaadan doona howlaha gurmadka ee loo fidinayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Muqdisho. Sidoo kale, Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Garoonka Diyaaradaha Adan Adde ee Muqdisho – ayaa ka guddoomay deeqda daawada ah dowladda Qatar. Dhinaca kale, Waxaa goor-dhow la filayaa in diyaaradan ay ka qaado Xamar dhaawacyada illaa sodomeeyo ruux oo la geyn doono magaalada Khartoum ee dalka Sudan. Ugu dambeyn, Dowladda Qatar ayaa sheegtay inay bixin doonto qarashka ku baxaya bukaannada ee la dhigayo Isbitaallada Waddanka Suudaan iyadoo ka cudur daaratay in dalkeeda uu la tacaali karin dhaawacyadaas. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here