Diyaarado weerar ku qaaday saldhig Shabaab ku leeyihiin Wallaweyn

0

Weerar cirka ah, ayaa lagu qaaday xalay saqdii dhexe xarun shabaabku ku leeyahay tuulada Baladul-amiin oo ka tirsan degmada Wallaweyn. Guddoomiyaha degmada Wallaweyn, Xaaji Isaaq Maame Caliyow, ayaa BBC-da u sheegay in weerarkaasi lagu dilay sideed ka tirsan Alshabaab, tiro kalena lagu dhaawacy. Hase yeeshee, ilo madaxbanaan, ayaa BBC-da u sheegay in weerarkaasi lagu dilay afar ka mid ah Shabaab. Ka hor weerarka, ayaa waxaa aggaasi laga maqlayay guuxa diyaaradaha helikobtarka, iyadoo ay duqeyntana geysteen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn. Lamana oga cidda weerarka geysatay.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here