Donald Trump: Kuuriyada Waqooyi shaqo ayaan ka qaban

0

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ballan qaadey “Dhibaatada” dalka Kuuriyada Waqooyi in uu xalin doono oo shaqo ka qaban doono, arrintan ayaa imaanaysa iyada oo si weyn la isula dhex maraayo in Kuuriyada Waqooyi ay tijaabineyso Nukliyeer.
– Kuuriyada Waqooyi waa dhibaato, dhibaatada waa xalinaynaa ayuu yiri Trump mar uu saxaafadda la hadlaayey. Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ayaa ka gaabsadey warar uu sheegay telefishanka NBC ee sheegaya in Maraykanku isu diyaarinaayo weerar ka hortag ah oo lagu qaado Kuriyada Koonfureed, afhayeenka Pentogon Dana White oo la weydiyey ayaa sheegtey in aysan ka jawaabeyn sheegashada duulaanka Maraykanku qorsheynaayo. Sida warbaahinta qaarkeed sheegayso warar ay heleen ayaa sheegaya in Kuuriyada Waqooyi ay tijaabineyso bomkii ugu cuslaa maalinta sabtida ee ku beegan dhalashadii Kim Il-Sung oo ahaa ninkii asaasey Kuriyada Waqooyi awoowena u ah hoggaamiyaha hadda ee Kim Jong-Un. Markaba USS Carl Vinson ayaa gaarey gacanka Kuuriyeed, kaas oo ah mid kamid ah saddexda ugu wanaagsan ee Maraykanku lee yahay ee loo isticmaalo weerarada dagaalka. Khubarada dagaalka ayaa ka digaya in dagaal ka dhaca gacanka Kuuriyeed uu noqon karo mid si fudud ku bilowda marka la eego khatarta ka taagan halkaas. Goojacade.com Nairobi-Kenya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here