DOODII MUSHARIXIINTA SOOMAALIYA OO LA JOOJIYEY

0

MUQDISHO- Inta badan musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa qaadacay doodda musharraxiinta oo loo ballansanaa iney maanta dhacdo. Musharrax Maxamed Cali Amaariko ayaa sheegay in badi musharraxiinta ay isku raaceen go’aanka ah inaan laga qeybgalin dooddaasi, isaga oo sidoo kalena inoo sharaxay sababta ay ku qaadaceen. Waxa uu tilmaamay Mr Ameeriko in laga baxay is faham horey u dhexmaray musharraxiinta iyo guddiga doorashada kaasi oo ku aadanaa qaabka tabinta doodda iyo sidoo kale cidda dhex dhexaadin doonta. Ballanta ayuu sheegay iney ahayd in dhammaan Talefishinnada iyo Idaacadaha dalka ee madaxa banaan ay si isku mid ah u tabiyaan, balse kaliya lagu soo koobay iney tabiso warbaahinta qaranka waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kale Musharrax Madaxweyne, Maxamed Cali Amaariko ayaa sheegay in waxyaabaha ay diiddan yihiin kamid tahay arrinta ku aadan cidda dhex dhexaadineysa doodda, taasi oo uu sheegay in lagu heshiiyey wada tashi in laga geliyo balse aysan dhicin. Ugu dambeyn Maxamed Cali Amaariko ayaa tilmaamay in gelinka dambe ee maanta ay saxaafadda kula hadli doonaan magaalada Muqdisho iyaga oo ah musharraxiin dhowr ah, ayna shaacin doonaan arrintaan iyo qodobada kale ee ay ku diideen doodda. Intii ay goobta fadhiyeen Musharixiintii dooda ka qaybgalay ayaa gebi ahaanba internetkii dooda lagu tebinayey la waayey taas oo keentay in goobta lagu kala tago. Gudoomiyaha guddiga doorashada Xildhibaan Bayle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gebi ahaanba la joojiey doodii musharixiinta isagoo sabab uga dhigay Cilad xagga Internetka ah oo dhacday iyo dooda oo dib u dhac ku keeni karta jadwalkii doorashada oo laga doonayo in 8-da Febraayo 2017 ay Soomaaliya yeelato madaxweyne]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here