Doorashada Aqalka hoose oo Garoowe ka bilaabantay iyo xildhibaanada la doortay

0

Waxaa maanta magaalada Garoow ka bilaabatay doorashada xubnaha Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaliya, kuwaasi oo ka imaanaya deegaanada Puntland, Waxaana Halkaasi ku sugan Guddiga Doorashada Heer Federaal Iyo Guddiga Doorashada dadban. Kursigii kowaad ee Puntland ku yeelato Aqalka Hoose ee Soomaaliya , Waxaa ku guulaystay Cali Yuusuf Cali Xoosh kadib markii uu 49 cod kaga guulaystay Cabdirashiid Xasan Yuusuf oo isagu helay 1 cod. Kursigii labaad ee Puntland ku yeelato Aqalka Hoose oo ahaa Kursiga Beesha Ogayslabe, waxaa ku guulasytay Siciid Daahir oo 44 cod kaga guulasytay Faduumo Ismaaciil bootaan oo heshay 7 cod. Kursigii Sadexaad ee Puntland ku yeelato Aqalka Hoose oo ahaa Kursiga Beesha Dishiishle waxaa ku guulasytay Cumar Ismaaciil Waberi oo helay 28 cod, waxaa la tartamayey Maxamed Cabdi Cismaan oo 22 cod helay. Kursigii Afraad ee Puntland ku yeelanayso Aqalka Hoose, oo ah Kursiga Beesha Madhibaan waxaa ku guulaystay Cilmi Cumar Caynsane oo helay 27 cod. Kursigii Shanaad ee Puntland ku yeelanayso Aqalka Hoose, oo ahaa Kursiga Beesha Bahmajeerteen/Warsangeli, Waxaa ku guulaystay Axmed Ismaaciil Maxamed Xaaji oo helay 38 cod, waxaa uu ka guulaystay Iimaan Maxamed Cashuur oo helay 12 cod. Kursigii Lixaad ee Puntland ku yeelanayso Aqalka Hoose oo ahaa kursiga Beesha Cali Saleebaan, waxaa ku guulaystay Maxamuud Xayir Ibraahim oo helay 37 cod, Cabdisamad Abwaan waxa uu helay 12 cod, halka Cabdixaafid Cali Yuusufna helay 2 cod.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here